Nagu Saabsan
Geeska Freedom Centre (GFC) waxaa la aasaasayaa si ay u noqoto hay’addii ugu horreysay ee si buuxda ugu heellan diiwaangalinta dhacdooyinka xuquuqda aadanaha.
Geeska Freedom Centre (GFC) waxaa la aasaasayaa si ay u noqoto hay’addii ugu horreysay ee si buuxda ugu heellan diiwaangalinta dhacdooyinka xuquuqda aadanaha, si loo daboolo daldaloolooyin muddo dheer jiray oo ku saabsan diiwaangelinta tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, difaacidda dhibbanayaasha, iyo isla-xisaabtanka ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo diiradda gaarka ah la saarayo Soomaaliya iyo Somaliland.
Iyadoo la adeegsanayo cilmi-baaris joogto ah, u-doodid, iyo iskaashi lala sameeyo hay’ado kale, GFC waxay doonaysaa inay la dagaallanto xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya iyo Somaliland.
Dadaalladeennu waxay sidoo kale ku jiraan dhisidda awoodda kormeerayaasha iyo cilmi-baareyaasha xuquuqda aadanaha ee maxalliga ah, la-xisaabtanka dadka ku lug leh xadgudubyada, ka hortagga sharciyada cadaadiska ah, taageeridda bulshooyinka ay saameeyeen xadgudubyadu, iyo ka shaqaynta sii deynta dadka si caddaalad darro ah loo xiray iyo kuwa loo beegsaday aragtidooda darteed.
GFC waxaa maamula Guddi Maamul (Board of Directors) madax-bannaan oo kala duwan, kuwaas oo bixiya hagid istiraatiiji ah, maamul suubban, iyo ilaalinta shaqada hay’adda GFC.
Himiladeenna
GFC waxay hiigsanaysaa Soomaaliya iyo Somaliland oo la ixtiraamo karaamada aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah, isla markaana ay ka hirgasho isla-xisaabtan ku dhisan caddeymo la isku halayn karo iyo go’aamo caddaalad ku saleysan.
Waajibaadkeenna
Geeska Freedom Centre (GFC) waa hay’ad madax-bannaan oo aan macaash doon ahayn oo ka shaqaysa xuquuqda aadanaha, kuna saleysay Dan Guud “Community Interest Company CIC). GFCwaxay u heellan tahay diiwaangelinta nidaamsan ee dhacdooyinka xadgudubyada, ilaalinta bulshooyinka ay saameeyeen, iyo u-doodid sharci iyo siyaasado oo ku dhisan caddeymo, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa bulshooyinka la gacan-bidixeeyo iyo kuwa halista ku jira. Shaqadeennu waxay diiradda saartaa Soomaaliya iyo Somaliland.
Shaqada GFC
GFC waxay ku shaqeysaa hab qorsheysan oo la ballaarin karo, kaas oo mudnaanta siinaya kalsooni iyo badbaado:
-
Dhismaha diiwaangelin lagu kalsoonaan karo oo nidaamsan oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
-
La socodka dhacdooyinka deegaanada kala duwan ka socda iyo bixinta digniino waqtigeeda ku habboon oo ku saabsan khataraha soo ifbaxaya.
-
Xoojinta awoodda GFC hay’ad ahaan iyo raacista qorshayaasha sharci iyo u-doodista dhibbanayaasha oo ku dhisan caddeymo.